Monday, April 27, 2026
Home NEWS Madaxweyne Deni oo tababar u furay boqolaal askari

Madaxweyne Deni oo tababar u furay boqolaal askari

76

Apr 27(Jowhar) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa boqolaal askari tababar uga furay dugsi ciidan oo ku yaalla magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

Madaxweynaha ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad uu diiradda ku saaray arrimaha amniga iyo sida ay Puntland uga go’an tahay la dagaallanka argagixisada iyo xaqiijinta nabadgelyada deegaannadaas.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dufcadaha cusub ee tababarka loo furay ay qayb ka noqon doonaan awoodda difaaca Puntland, isla markaana la sii xoojinayo tayada iyo tirada ciidamada.

Waxa uu xusay in dib-u-habeyn ballaaran lagu sameynayo hay’adaha amniga, si loo helo ciidan xooggan oo si degdeg ah uga jawaabi kara xaaladaha amni darro ee ka dhasha Puntland iyo guud ahaan mandiqadda.