Apr 27(Jowhar)Doorashada golayaasha deegaanka iyo golayaasha wakiilada dowlad goboleedka Koofurgalbeed ayaa dib u dhac ku yimid iyadoo guddiga doorashooyinka uu shaaciyay waqtiga ay dhacayaan doorashooyinka.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan muddo kordhin lagu sameeyay soo gudbinta liisaska musharaxiinta iyo cayimidda maalinta doorashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Soo gudbinta liisaska musharaxiinta ayaa laga dhigey inay ku eg tahay 5ta bisha May 2026 halka maalinta doorashadana laga dhigey 10ka May 2026.
Saddexda gobol ee uu ka kooban yahay dowlad goboleedka Koofurgalbeed ayaa waxaa ka socda ololayaal doorasho iyadoo xisbi walba uu doonayo inuu helo kuraasta loo tartamayo.
Halkan hoose ka aqriso war saxaafadedka ka soo baxay guddiga doorashooyinka qaran.










