
May 01(Jowhar)Iran ayaa soojeedin cusub u gudbisay dhexdhexaadiyeyaasha Pakistan si loo soo afjaro dagaalka Mareykanka, dadaalkii ugu dambeeyay ee lagu doonayo in looga gudbo ismari waaga wadahadalka.
Warbaahinta dowladda Iran ayaa ku warantay in Tehran ay dalabkaas ku wareejisay Pakistan habeenimadii Khamiista, si loogu gudbiyo Washington, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn waxa jira hindisahan.
Wakaaladda wararka rasmiga ah ee IRNA ayaa tiri: “Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay soo bandhigtay hindiseheedii ugu dambeeyay ee wada xaajoodka Pakistan, iyada oo sii marinaysa dhexdhexaadiyeyasha wadahadallada ay la leedahay Maraykanka”, saacadihii dhawaa ayey Iiraan shaacisay akhbaartan iyada oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.
Aqalka Cad ayaa diiday inuu ka hadlo soo jeedinta cusub. Islamabad waxay sheegtay inay aaminsan tahay in heshiis la gaari karo.
Balse waxa ay wajahaysaa Iran oo halis ugu jirta in ay gacanteeda dhaafto iyo maamulka Maraykanka oo doonaya in uu guul guud ka gaaro halkii uu tanaasuli lahaa.
Saraakiisha Iran ayaa rajeynaya in Trump uu doonayo inuu soo afjaro khilaafka ka hor shirweynaha uu la yeelanayo Xi Jinping, madaxweynaha Shiinaha, 14-15 May.
Islamabad waxay u aragtaa sii socoshada xabbad joojinta, oo jirta in ka badan saddex toddobaad, inay tahay guul weyn.
Tehran iyo Washington ayaa sheegay in Pakistan ay weli tahay marinka koowaad ee gorgortanka.
Saraakiisha Mareykanka ayaa todobaadkan waxa ay sheegeen in Washington ay ka fiirsaneyso inay ku soo laabato dagaalka.
Xafiiska Maaliyadda Mareykanka ayaa Jimcihii ka digay in shirkad kasta oo maraakiib ah oo lacago canshuur ah siisa Iran si ay uga sii gudbaan marin biyoodka Hormuz, oo ay ku jiraan deeqaha samafalka ah ee la siiyo ururada ay ka mid yihiin Bisha Cas ee Iran, ay halis gelin doonto cunaqabatayn saaran Iran.
Tehran ayaa soo jeedisay in lacago laga qaado maraakiibta mara marin biyoodka, taasoo qayb ka ah heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka.









