Saturday, May 2, 2026
Home NEWS Mid kamid ah dowladaha reer Galbeedka oo hajabaad u dirtay dhinacyada Soomaalida

Mid kamid ah dowladaha reer Galbeedka oo hajabaad u dirtay dhinacyada Soomaalida

320

May 02(Jowhar) Mid kamid ah dowladaha reer galbeedka ee dhaqaalaha xooggan ku bixiyay amniga Soomaaliya ayaa la sheegay inuu fariin adag gaarsiiyay hoggaamiyeyaasha Soomaalida labadii toddobaad ee la soo dhaafay.

Ilo diblumaasiyadeed ayaa sheegaya in dowladdaasi u sheegtay dhinacyada Soomaalida in haddii aan la helin heshiis siyaasadeed ka hor 15-ka May, iyadoo ay weli jiraan khilaafaad siyaasadeed, ay bilaabi doonto ka bixitaanka taageeradeeda iyo joogitaankeeda dalka.

Mas’uuliyiinta dowladdaasi ayaa sheegay in ay doorbidayaan inay madaxdooda ka ilaaliyaan in ay indhahooda ku arkaan Soomaaliya oo sii galeysa jahwareer siyaasadeed iyo xasillooni darro.

Fariintan waxaa gaarsiiyay diblumaasi sare oo la kulmay madaxda Dowladda Federaalka iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya. Waxa uu caddeeyay in dowladdiisu aysan mar dambe dulqaad u haynin hab-dhaqanka siyaasadeed ee kala fogeeya dhinacyada iyo in lagu dhaqaaqo waddo aan heshiis siyaasadeed lagu dhisin.

Digniintan ayaa muujinaysa sida beesha caalamka uga sii niyad jabsan tahay murannada siyaasadeed ee daba dheeraaday iyo heshiis la’aanta ka jirta Soomaaliya xilli xasaasi ah.