Monday, May 4, 2026
Home NEWS Taliska ciidanka xoogga dalka oo la wareegay amniga doorashooyinka Galmudug

Taliska ciidanka xoogga dalka oo la wareegay amniga doorashooyinka Galmudug

121

May 04(Jowhar) Dowlada Somaliya ayaa Amniga Doorashada deegaanada Galmudug u xilsaartay in uu Sugo Taliska Qaybta 21,aad ee Galmudug ka howl gala.

Dowlada ayaa dhowaan Ciidanka qaybta ku wareejisay Amniga Magaalooyinka Xarardheere & Wisil oo ka mid ah magaalooyinka Doorashada loo asteeyay.

Taliyaha Qaybta Gaashaanle Sare Mohamed dhagawayne ayaa dhowaan la filayaa in uu tababar u soo xiro Cutubyo gaar ah oo Qaybta ka tirsan, kuwaas oo si gaar ah ula wareegi doona Amniga Magaalooyinka dhuusamareeb, Guriceel, Xeraale & Balanbale.

Deegaanada Galmudug ee xorta ka ah Cadowga laayaanka ah ee AS ayaa loo qorsheeyay in ay ka dhacaan Doorashooyin dadwayne oo qof & Cod ah.