Monday, May 4, 2026
Home NEWS Iiran oo weerar gantaallo ah ku qaaday Imaaradka carabta

Iiran oo weerar gantaallo ah ku qaaday Imaaradka carabta

101

May 04(Jowhar) Imaaraatka Carabta ayaa sheegay in difaacyadooda cirka ay ka hortageen weeraro gantaalo ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee kaga imaanaya Iran.
Wasaaradda difaaca ee Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in ay ka hortagtay saddex gantaal oo laga soo tuuray Iran, halka gantaal afraad uu ku dhacay badda.

Qoraal ay ku daabacday barteeda bulsho, ayay ku sheegtay in qaraxyada laga maqlay qaybo ka mid ah dalka ay ka dhasheen qabashada gantaalladaas. Wasaaradda Difaaca Imaaraadka ayaa sheegtay gelinkii dambe ee maanta in ay ka hortagayaan gantaallada ballistic-ga ah, gantaallada cruise-ka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Imaarada Fujairah ayaa sheegtay in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn firirkeeda uu ku dhacay xarun shidaal halkaa oo dab ka kacay. Kooxaha difaaca madaniga ah ayaa isla markiiba la geeyay si ay u xakameeyaan dabka. Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca khasaaraha. Ma jirin wax hadal ah oo ka soo baxay Iran.

Imaaraatka Carabta ayaa ahaa dalka ugu badan ee la bartilmaameedsaday iyadoo Iran ay qaaday weeraro aargoosi ah oo ay ku qaaday dagaalka Mareykanka iyo Israel. Iran ayaa in ka badan 2,800 oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ah ku ridday dalkaas laga soo bilaabo 28-kii February ilaa ay xabbad-joojin ku meel gaadh ah dhaqan gashay 8-dii Abriil.

Imaaraadka ayaa si kulul u cambaareeyay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran ay ku qaadeen markab shidaal oo ADNOC ah oo marayey marinka go’doomiyay ee Hormuz, xilli Mareykanku uu sheegay inuu bilaabayo hagidda maraakiibta mara marin biyoodka.