U gudub nuxurka
Arbaco, 25 Nofembar 2026 15 Jumaadal Aakhira 1448
Waqtiyada salaadda: Muqdisho
  • Subax
  • Duhur
  • Casar
  • Maqrib
  • Cishe
1 USD = 572 SOS
Hadalhaynta Trump Russian Gaza U.S Alleged Agreement

Qoor qoor oo dib u magacaabay taliyaha booliska Galmudug oo dowladda ay bedeshay

Qoor qoor oo dib u magacaabay taliyaha booliska Galmudug oo dowladda ay bedeshay Wararka

May 07(Jowhar) Madaxtooyada Galmudug ayaa dib u magacowday taliye booliska Galmudug Khaliif Ilkacase, iyagoo kahoryimi magacaabida Taliye Boolis oo Federaalka magacowday sida muuqata.

Max’ed Dahir Cabdulle oo ahaa Taliyihii guutada Ilaalintada Madaxda iyo Hay’addaha muhiimka ah ayaa loo magacaabay Taliyaha qeybta Booliska Galmudug, taas oo ay kacarootay Galmudug.

Waxaa muuqata in Galmudug iyo Dowlada Federaalka toos isugu bareereen waxaana saacadaha soo socda lagu kala bixi doonaa fagaaraha iyadoo Galmudug ay soo waddo Go,aano waaweyn oo ka dhan ah Doorashadii dowlada Federaalka iyo xiriirka labada dhinac.

More News