Aug 06 (Jowhar)-Saaka aroortii hore ayaa ciidamada dowladda bilaabeen howlgal burburin ah oo ka socda Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho.
Cagaf-cagafyo culus ayaa la geeyay goobta, iyadoo waddooyinka soo gala suuqa ay ciidamada xireen xalay saqdii dhexe.
Wararka ayaa sheegaya in iibka dhulka durba la bilaabay, mucaaridka Dowladda ayaa wax war ah laga maqal oo aan goobta joogin.
Xildhibaan Yaasiin Fareey oo maalmahan diidanaa burburinta dhulkan ayaa lagu soo warramayaa in gurigiisa ciidan badan dowladda ay dul dhigtay, waxaana ku adkaatay inuu saaka Suuqaasi tago, waxaase la filayaa inuu warbaahinta la hadlo.