Wednesday, May 13, 2026
Home NEWS Wararkii u danbeeyay xaalada magaalada Muqdisho iyo dhaq dhaqaaqyadii mucaaradka

Wararkii u danbeeyay xaalada magaalada Muqdisho iyo dhaq dhaqaaqyadii mucaaradka

661

May 11(Jowhar)Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa saaka degan, kadib dibadbaxyo shalay ka dhacay qaybo kamid ah caasimadda kuwaas oo ay dhigeen siyaasiyiinta mucaaradka. Dibadbaxyada ayaa looga soo horjeeday dhulboobka iyo cadaadiska siyaasadeed ee dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh waddo.

Dowladda ayaa xalay qaaday ciidamadii la geeyay goobaha ay ku sugnaayeen hoggaamiyeyaasha mucaaradka, waxaana saaka si caadi ah dib u bilowday isku socodka gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa guud ee magaalada guud ahaan.

Mas’uuliyiintii mucaaradka ee ku sugnaa aagga Dab-damiska ayaa xalay dib ugu laabtay guryahooda, hase yeeshee madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa weli ku sugan Mirinaayo oo uu maalin kahor u guuray. Ilo wareedyo ayaa sheegaya inuu halkaasi sii joogi doono ilaa xal laga gaarayo muranka la xiriira doorashada.

Dhanka kale, maalinta Arbacada ayaa lagu wadaa inuu kulan ka dhaco xerada Xalane, kaas oo uu isugu yeeray Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya. Kulankaas waxaa lagu casuumay Madaxweyne Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo matalaya Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed. Safiirka Midowga Yurub ayaa sidoo kale qeyb ka noqon doona wada-hadallada, kuwaas oo diiradda lagu saarayo xal u helidda muranka doorashada iyadoo muddo xileedka madaxweynaha uu ku egyahay 15-ka May.