May 12(Jowhar)Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kusoo wajahan magaalada Muqdisho, isagoo safar kaga soo amba baxayo magaalada Boosaaso oo uu maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa.
Diyaaradda Salaam Air oo qaadeysa madaxweynaha ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, iyadoo lagu wado in uu Muqdisho u yimaado shir muhiim ah oo ka dhacaya xarunta safaaradda Mareykanka ee Xalane.
Shirkaasi oo la qorsheeyay inuu qabsoomo berri oo ku beegan 13-ka bishan, ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha doorashooyinka dalka iyo sidii loo qaban lahaa doorasho ku dhacda waqtigeeda.
Waxaa sidoo kale la filayaa inay shirka ka qeyb galaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac.
Kulankan ayaa imanaya xilli ay socdaan dadaallo la xiriira wadatashi siyaasadeed iyo hannaan doorasho oo la isku raacsan yahay.










