May 13(Jowhar)Waxaa soo idlaaday shirkii maanta Muqdisho gaar ahaan Xerada Xalane ugaga furmay Dowladda Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Mucaaradka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisulwasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa kulanka maanta dowladda Soomaaliya ku matalayey,halka dhanka Mucaaradka shirka ay ku matalayeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni sidoo kale Shirka waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan beesha caalamka.
Arrimaha doorashooyinka gaar ahaan nooca doorasho iyo xaaladda kala guurka ah ee dalka ayaa diiradda lagu saarayaa shirka dhinacyada ayaana maanta dood hordhac ah ka yeeshay qodobada qaar inkasta oo kulanku maanta ahaa is arag guud.
Kulanka oo jawi daggan ku bilowday ayaa kusoo idlaaday in lagu ballamay is arag kale iyadoona berri lasii amba-qaadayo wadahadalada.
Dhinacyada ayaana waxaa kulamo wadatashi ay kula laabanayaan xubnaha mucaaradka.iyo dowladda ee wakiilada ay ka kala ahaayeen.










