Saturday, May 16, 2026
Home NEWS Mareykanka oo sheegtay dilka hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Daacish

Mareykanka oo sheegtay dilka hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Daacish

64
Screenshot

May 15(Jowhar)-Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in la dilay mid kamid ah hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya kooxda Daacish, kaas oo lagu beegsaday gudaha dalka Nigeria, sida uu shaaciyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Hoggaamiyahan la dilay, oo lagu magacaabi jiray al-Minuki, ayaa ahaa kuxigeenka hoggaamiyaha guud ee kooxda Daacish ee caalamka. Wararka ayaa tilmaamaya in dilkiisa uu qeyb ka yahay dadaallo sii xoogeysanaya oo lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ee ka howlgala dalal kala duwan.

Trump ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay al-Minuki uu ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyay, islamarkaana uu muujinayo awoodda Mareykanka ee la dagaalanka argagixisada caalamiga ah.

Dhanka kale, waxaa la rumeysan yahay in hoggaamiyaha ugu sarreeya ee hadda Daacish uu yahay Cabdulqaadir Muumin, oo la sheegay inuu ku sugan yahay buuraleyda Calmiskaat ee gobolka Bari, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo ay wadaan ciidanka Puntland oo ka dhan ah maleeshiyaadka Daacish.