Saturday, May 16, 2026
Home NEWS AU oo ka walaacsan fashilka wada-hadaladii Xalane ee DFS iyo Mucaaradka

AU oo ka walaacsan fashilka wada-hadaladii Xalane ee DFS iyo Mucaaradka

67

May 16(Jowhar) Midowga Afrika ayaa walaac ka muujiyay fashilkii ku yimid wada-hadalladii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxda Mucaaradka ku dhexmaray Magaalada Muqdishu.

Midowga Afrika ayaa ka digay in labada dhinac ay kala fogaadaan, wuxuuna ugu baaqay in markale dhinacyada siyaasadda ay si deg-deg ah dib ugu laabtaan miiska wada-hadalka iyadoo fursad la siinayo isu tanaasul labada dhinac.

Wuxuu bayaanka Midowga Afrika sidoo kale lagu soo dhoweeyay dadaallada diblomaasiyadeed ee xubnaha beesha caalamka, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay xalinta khilaafka Soomaaliya