Sunday, May 17, 2026
Home NEWS Wasiir Ayuub oo ka qeyb galay Madasha Caalamiga ah ee Magaalooyinka Adduunka...

Wasiir Ayuub oo ka qeyb galay Madasha Caalamiga ah ee Magaalooyinka Adduunka en Baku

67

May 17(Jowhar)Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya ayaa ka qayb galaysa Madasha Caalamiga ah ee Magaalooyinka Adduunka ee 13-aad oo ka socota magaalada Baku, caasimadda dalka Azerbaijan.

Madashan caalamiga ah oo ay soo qabanqaabisay Barnaamijka Qaramada Midoobay ee Deegaameynta Aadanaha ayaa waxaa ka qeyb galaya dowlado, hay’addo caalami ah, bangiyo horumarineed iyo bah-wadaagyo kala duwan oo ka shaqeeya arrimaha magaalooyinka, guriyeynta iyo horumarinta bulshada.

Intii uu socday shirka, Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah guddoomisay kulan heer caalami ah oo lagu qabtay cinwaanka:

“Dib-u-habeynta Nidaamka Guriyeynta iyo Horumarinta Magaalooyinka ee Soomaaliya: Ka guuridda kala-daadsanaanta loona gudbayo nidaam dhisan.”

Kulanka waxaa hoggaaminayay Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya Ayub Ismail Yusuf , iyadoo ay ka qeyb galeen wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah iyo bah-wadaagta horumarinta.

Wasiirka ayaa khudbaddiisa ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe lagu dhisayo nidaam mideysan oo isku xiraya guriyeynta, maamulka dhulka, la-qabsiga isbeddelka cimilada iyo horumarinta dhaqaalaha deegaanka, si loo xoojiyo xasilloonida iyo horumarka waara.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Wasaaraddu diyaarisay daraasado iyo qorshayaal cusub oo lagu horumarinayo nidaamka guriyeynta iyo maamulka dhulka ee dalka, kuwaas oo saldhig u noqonaya dib-u-dhiska magaalooyinka iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu xusay in Soomaaliya ay horumarinayso mashaariic istiraatiiji ah oo laga fulinayo magaalooyin ay ka mid yihiin Beledweyne, Doolow iyo deegaanka Jasiira ee Muqdisho, kuwaas oo diiradda saaraya guriyeynta la awoodi karo, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dhismaha magaalooyin adkeysi leh.

Dhanka kale, waxaa la filayaa in wasiirku berri khudbad ka jeediyo kulan wasiirro heer sare ah oo ay ka qeyb galayaan hogaamiyaasha Iyo madax caalami ah oo kala duwan, kaas oo looga hadlayo guriyeynta, isdhexgalka bulshada iyo yareynta faqriga, kana tirsan ajandaha rasmiga ah ee madasha WUF13.