May 18(Jowhar)Waxaa magaalada Jigjiga goordhow gaaray wafdi sare oo ka socda dowladda Itoobiya oo uu hoggaaminayo Taliyaha guud ee Ciidanka Difaaca Itoobiya Field Marshal Birhanu Jula.
Wafdigan waxaa sidoo kale ka mid ah Madaxa Hay’adda Sirdoonka Itoobiya Redwan Hussein, General Xaaji iyo saraakiil kale oo sar sare.
Tagistooda Jigjiga ayaa la xiriirta arrimo amni iyo xoojinta wada shaqeynta heer federaal iyo deegaan, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin ujeedka dhabta ah ee safarkooda.
Mas’uuliyiintan ayaa la filayaa inay kulamo la yeeshaan madaxda dowlad deegaanka Soomaalida si ay uga wada hadlaan xaaladda amniga iyo arrimo kale oo muhiim ah.










