Wednesday, May 27, 2026
Home NEWS Madaxweyne Xasan oo weerar culus ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ah

Madaxweyne Xasan oo weerar culus ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ah

181

May 27(Jowhar) Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka hadlayay Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee Muqdisho ayaa si ba’an u weeraray mucaaradka kuhaysta talada dalka, sheegayana in waqtigiisii dhamaaday ee ay tahay in Doorasho laga heshiiyo.

Xasan Sheikh ayaa kuhanjabay in dowladdu haysato ciidan xoogan, dalkuna horey u socdo wuxuuna ku celiyey in aan cidna loo joojineyn oo shalay loo laabaneyn.

Sidoo kale Somaliland ayuu weerar afka ah kuqaaday, talaabada Safaarada Qudus looga furay ayuuna kusifeeyey nasiibdarro iyo wax aan la aqbaleynin oo laga dagaalamayo.