Thursday, May 28, 2026
Home NEWS Wiil Soomaali ah oo lagu dilay goob lagu tukanayay Saalada Ciida ee...

Wiil Soomaali ah oo lagu dilay goob lagu tukanayay Saalada Ciida ee dalka Mareykanka

166

May 28(Jowhar)-Khaalid Mohamed ayaa shalay lagu toogtay goobti salaada ciida lagu tukanayay ee Centerbury Park ee magaalada Shakopee ee gobalkan Minnesota.

Wiilka oo 26 sano jir ahaa ayaa waaxaa lagu dhuftay shan xabadood, waxaana soo gaaray dhaawac culus oo sababay in ugu dambayn uu u geeriyoodo .

Sida wararka aan ku helayo waxaa dilay wiilkale oo Soomaali ah .

Booliska Minnesota oo wada baaritaano la xiriira falkan ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadan.