May 30(Jowhar)-Xaalada Magaalada Baydhaba ayaa degan iyadoo Taliska Ciidanka Dowlada Somaliya gaar ahaana Booliiska, nabad sugida iyo Melletariga si rasmi ah gacanta ugu hayaan.
Taliye ku xigeenka Ciidanka dhulka Sareeye Guuto Abdullaahi Cirro ayaa Saraakiisha ku amray in ay adkeeyaan nabad gelyada kana hortagaan cid kasta oo carqaladaynaysa.
Hogaamiyaha KMG ee KGS Jibriil Abdirashiid Xaaji ayaa la filayaa galabta in uu kormeero dhufaysyada Ciidanka ee Magaalada Baydhaba ee Caasimada KMG ee KGS.
Dhaarinta Xildhibaanada Golaha Wakiilada KGS ayaa Gelinka dambe la filayaa in ay ka dhacdo Baydhaba, haddii aysan wax isbedelin.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna Musharax Madaxwaynaha KGS Sh aadan Madoobe ayaa isaguna Kulamo siyaasadeed oo lagu xoojinaayo Amniga iyo arrimaha Siyaasada ka wada magaalada.
Ciidankii Daraawiishta ahaa ee Taageersanaa Madaxweyne Laftagareen ayaa ku sugan Duleedka Magaalada iyagoo degay ka dib markii ay magaalada dib kaga gurteen dagaalkii saakay dibadiis.
Dhammaan Ganacsiyadii, Adeegyada Bulshada & Shaqooyinkii Caadiga ahaa ayaa dib u furmay ka dib Saacado hakad ay ku jireen.
Si kastaba ha ahaatee Xaalada Magaalada ayaa ah mid degan oo nabad gelyo ah ka dib Shaqaaqadii saakay ka dhacday.










