May 31(Jowhar) Xogo aan helnay ayaa sheegaya in Taliyaha NISA Mahad Salaad uu xalay mar kale kulamo kala duwan la yeeshay xubno ka tirsan Madasha Mustaqbalka, iyadoo laga wada hadlay ilaalinta amniga caasimadda iyo bannaanbaxa ay mucaaradku iclaamiyeen 4-ta bisha Juun.
Ilo kala duwan ayaa xaqiijiyay in kulamadan ay daba socdeen kulankii habeen hore dhex maray Taliyaha Sirdoonka iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. Waxaa hadda muuqata in dadaal xooggan lagu bixinayo sidii loo xaqiijin lahaa in bannaanbaxyada mucaaradku qorsheynayaan aysan ka dhalan amni-darro, qalqal ama isku dhacyo hubeysan.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dhawaan bannaanbax ka dhacay magaalada Muqdisho ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay inay ka qayb qaateen ciidamo hubeysan oo ka amar qaata xubno ka tirsan mucaaradka.










