Jun 01(Jowhar) ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ญ๐ก๐ข๐จ๐ฉ๐ข๐ ๐ฆ๐๐๐ง๐ญ๐ ๐ฐ๐๐ฑ๐๐ ๐ฅ๐จ๐จ ๐๐๐ซ๐๐๐ซ๐๐ฒ ๐๐จ๐จ๐ซ๐๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐๐๐ฌ ๐จ๐จ ๐๐ก ๐ญ๐ข๐ข ๐๐๐๐, ๐๐ ๐๐ข๐ฅ๐ฒ๐๐ง ๐จ๐จ ๐ค๐ ๐ฆ๐ข๐ ๐๐ก ๐๐๐ ๐๐ข๐ฅ๐ฒ๐๐ง ๐๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐๐๐ฌ ๐๐ฒ๐๐ ๐ฑ๐๐ช ๐ฎ ๐ฅ๐๐ก ๐ข๐ง๐๐ฒ ๐๐จ๐๐๐๐ฒ๐๐๐ง.
547 kursi ayey xisbiyada dalkaas ku tartamayaan Waxaana talada dalkaas hogaamin doona xisbiga hela 274 Kursi.
Xisbiga Talada haya ayaa la filayaa inay doorashadaas ku guuleystaan, taasoo ka dhigan in Raysulwasaaraha Dalkaas Aby Ahmed markale dib loo dooran doono.
Sida gudiga Doorashada Dalka Ethiopia uu xaqiijiyey qeybo kamid ah doorashadaasi kama qabsoomi doonta gaar ahaan Dhulka Tigreegu Ee ay TPLF ku xoogantahay Iyo meelo ka mid ah Gobalka Amaxaaradu degto.
Doorashadan Waxaa Goob joog ka ah Ergo ka kala socotan Ururka Midowga Afrika, Dalalaka Ruushka, Turkiga Iyo kuwa kale , halka Ururo kale oo caalami ah ay ka baaqsadeen.
Xisbiyada Mucaaradku waxay ku edeeyeen dowladda inay xisbiyada qaar ka saartay tartanka, taaso ka dhigan inay awoodda Isku koobtay.










