Saturday, June 6, 2026
Home NEWS Booliska Muqdisho oo hub uruurin ka bilaabay goobihii uu daganaa Sheekh Shariif

Booliska Muqdisho oo hub uruurin ka bilaabay goobihii uu daganaa Sheekh Shariif

235

Jun 06(Jowhar) Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in ciidamada ammaanku ay wadaan howlgal lagu ururinayo hubka sharci darrada ah oo la sheegay in ay qariyeen ciidamdii Sheekh Shariif ee dagaalka ku galay Degmada Cabdicasiis.

Booliska ayaa shacabka degmada iyo nawaaxigeeda ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida.

Sidoo kale, talisku wuxuu ka digay in aan la aqbali doonin cid gurigeeda ku kaydsata ama ku qarsata hub sharci-darro ah, isagoo xusay in tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga laga qaadi doono qof kasta oo lagu helo ku lug lahaanshaha kaydinta ama fududeynta dhaqdhaqaaqa hubkaasi.

Booliska ayaa shacabka ku boorriyay inay soo sheegaan goob kasta oo lagu qarinayo hub sharci-darro ah.