Saturday, June 13, 2026
Home NEWS Xilliga Doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo la shaaciyay

Xilliga Doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo la shaaciyay

94

Jun 13 (Jowhar)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u shaacisay waqtiga la qabanayo Doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in 5-ta July 2026 la qabanayo Doorashada Guddoonka Goleyaasha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Xubnaha ururada siyaasadda ee qaybta ka noqday Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu wargeliyay in ay u diyaargaroobaan Doorashadaas maadaama lagu mashquulayo Todobaadka Xorriyadda.
Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Gudaha Dowlada Federalka;