Kudhowaad 20 askari oo Uganda uga geeriyootay dib u qabashada Bariire

0
320

Aug 09 (Jowhar)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha dowladda Uganda kasoo gaaray howlgalka shalay dib loogu qabtay magaalada Bariire ee gobolka Sh.hoose oo mudooyinkan Shabaab ay heysatay.

Sida xogaha la helayo ay tipmaamayaan, ugu yaraan 17 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda (UPDF) ayaa ku geeriyooday howlgalka, waxaana ku jiray lix askari oo toddobaadkan ku geeriyooday qarax gaari (VBIED) oo lala beegsaday kolonyadooda.

Uganda waxey sheegtay in ilaa 100 Shabaab ah lagu dilay intii uu socday howlgalka, iyagoo nolosha ku qbatay 4 dagaalame oi ay ku hayaan xeryohooda wax baarista.

Kahor inta aan la qaban Bariire, Ciidamadda isbaheysanaya waxey gacanta ku dhigeen deegaanka Sabiid iyo Caanoole, waxaana haatan lagu wajahan yahay magaalada Awdheegle oo hadii la qabto ay ka dhignaaneyso in kooxda laga sifeeyay Shanta buundo ee gobolkaasi.