Monday, June 15, 2026
Home NEWS Soomaaliya Iyo Masar oo iska kaashanaya horumarinta Iyo maareynta kheyraadka badda

Soomaaliya Iyo Masar oo iska kaashanaya horumarinta Iyo maareynta kheyraadka badda

52

Jun 15 (Jowhar)-Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Arrimaha Afrika, Danjire Maxamed Kariim Sherif.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Masar ee dhinacyada kheyraadka badda, kalluumeysiga, ganacsiga, iyo horumarinta dhaqaalaha buluugga ah.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii Soomaaliya uga faa’iideysan lahayd khibradda Masar ee horumarinta iyo maareynta kheyraadka badda.

Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dhisidda iskaashi istiraatiiji ah oo kor u qaada maal-gashiga wadajirka ah iyo horumarinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirka Masar ee Soomaaliya, Danjire Maxamed Saalax, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada dhinac.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali ayaa la kulmay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Carabta ee dalka Masar u qaabilsan Arrimaha Afrika Mudane Maxamed Kariim Fu’aad Shariif.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, hirgelinta iyo horumarinta heshiisyada jira, iyo kor u qaadista iskaashiga dhinacyada ay labada waddan danaha wadaagga ah ka leeyihiin.