Tuesday, June 16, 2026
Home NEWS Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay safaarada Maamulka Somaliland uu ka furatay Qudus

Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay safaarada Maamulka Somaliland uu ka furatay Qudus

52

Jun 16 (Jowhar)Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si kulul u cambaareeyay safaaradda ay jamhuuriyadda la magac baxday Somaliland ka furatay magaalada Qudus oo muddo qarniyo ah la isku haysto.

Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen in tallaabadani ay tahay mid sharci-darro ah, isla markaana xadgudub bareer ah ku ah Axdiga Qaramada Midoobay iyo qaraadaha khuseeya.

Xoghaynta Guud ee OIC oo ku tilmaantay Israa’iil Quwadda Gumeysiga haysata—aysan wax madax-bannihaan ah ku lahayn Qudusta la haysto.

“Xoghaynta Guud waxay mar kale xaqiijineysaa garab istaaggeeda buuxa ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo taageeradeeda hagar-la’aanta ah ee ku aaddan madax-bannaanida qarankeeda iyo midnimadeeda dhuleed, iyadoo ugu baaqday beesha caalamka inay mowqif adag ka istaagto tillaabadan sharci-darrada ah, ayna ka hortagto”, ayaa lagu yiri bayaanka.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil Gideon Sa’ar ayaa Isniintii shalay furay safaaradda Somaliland ee Qudus.