Wednesday, June 17, 2026
Home NEWS FBI-da Maraykanka oo fashilisey qorshe la doonayay in lagu weeraro Aqalka Cad

FBI-da Maraykanka oo fashilisey qorshe la doonayay in lagu weeraro Aqalka Cad

17

Jun 17 (Jowhar)-Dowlada Maraykanka gaar ahaan FBI-da ayaa fashilisay qorshe la doonayay in lagu weeraro xafladii Axadii ka dhacday Aqalka Cad, waxayna xireen shan nin, sida ay sheegtay waaxda cadaaladda Mareykanka.
Qorshahan ayaa la sheegay inay ku jireen in lagu duqeeyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo in la toogasho laga geysto goobta ay ka dhacaysay xaflad sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.
Mid ka mid ah dadka la qabtay ayaa lagu xiray Ohio usbuucii hore, halkaas oo baarayaashu heleen fariimo sir ah.

Agaasimaha FBI Kash Patel ayaa soo dhigay baraha bulshada in laga hortagay qorshaha weerarkan.
Eedeysanayaasha ayaa Waxaa laga soo qabtay afarta gobol ee Mareykanka mid walbana waxaa lagu eedeeyay inuu maleegayay dil, sida ay bayaan ku sheegtay waaxda cadaaladda (DOJ).

“Iyaga oo isticmaalaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, dhagar-qabayaashu waxa ay rabeen in ay kiciyaan argagax si dad badan ay u cararaan, sida ku cad dukumentiga maxkamadda. Kadibna koox labaad ay weeraraan oo xoog ku galaan albaabka Aqalka Cad.”ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay FBI.

Qiyaastii 4,300 oo qof ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda la qorsheeyay in la weeraro iyadoo 85,000 oo kale ay awooday ka daawanayeen meel u dhow.

Waxa ay dacwad oogayaash ay sheegeen in kooxdu ay isha ku haysay bartilmaameedyo ay ka mid yihiin madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, madaxweyne ku xigeenka JD Vance, ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Elon Musk, iyo sidoo kale dhowr sarkaal,in kasta oo aysan dhammaantood ka soo qaybgalin munaasabadda UFC.

Xubnaha kooxdu waxay sheegeen inay rabaan inay difaacaan Maraykanka, oo ay rumaysnaayeen inuu ku socdo jihada qaldan, sida lagu sheegay dukumeenti FBI-du soo saartay.

“Xubnaha kooxda ayaa aaminsanaa in Mareykanka uu u baahan yahay in la dumiyo si dib loogu dhiso,” ayaa lagu yiri dukumentiga.

Dukumentiyada ayaa lagu sheegay sheeko kale oo la sheegay in xubnaha kooxdu ay ka wada hadleen dilka xildhibaano badan oo Maraykan ah iyo madax ganacsi oo caan ah.