Jun 17 (Jowhar)-Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay deeq gaareysa hal bilyan oo dollar kuwasoo loogu deeqay Qaramada Midoobay.
Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka warbixin ay soo saartay ayaa lagu sheegay in lacagtan loo qaybin doono hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF iyo Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), si ay gargaar inkabadan afartan dal oo u baahan gargaar.
Mareykanka ayaa ballanqaaday ku dhowaad shan bilyan oo doolar inuu siiyo hay’adaha Qaramada Midoobay, taasoo ah markii ugu horeysay tan iyo markii uu xukunka dib ula wareegay Donald Trump.
Wasaarada Arrimaha Dibbada Maraykanka ayaa sheegtay in taageeradan loo fidiyay UNICEF iyo WFP, ay muujinayso sida Maamulka uga Trump uga go’an yahay horumarinta dib-u-habaynta Qaramada Midoobay.
Si kasta ha ahaatee qoraalka ka soo baxay Maraykanka ayaan lagu cadeyn wadamada ka faa’ideysan doona deeqdan.










