Sunday, June 21, 2026
Home NEWS Israel oo doonayso inay u dirto Gujisyadda Dolphin oo Xeebaha Somaliland

Israel oo doonayso inay u dirto Gujisyadda Dolphin oo Xeebaha Somaliland

165

un 21(Jowhar)-Israel ayaa dooneysa inay u dirto gujisyada loo yaqaan Dolphin ee uu Jarmalku sameeyo xeebaha Maamulka la magac baxay Somaliland gaar ahaan degkeda Berbera.

Sida ay daabacday Warbaahinta Defence Network ee dalka Jarmalka oo ka soo xigatay ilo wareedyo aan la shaacin Israel ayaa si weyn u raadinaysa in ay ciidamo badda iyo milatariga ka dhisto dekedda Berbera ee Maamulka Somaliland.

Ilo-wareedyo Israel ka tirsan ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan wararka ay baahiyeen Warbaahinta Shisheeye, balse waxa ay tilmaameen in Dekedda Berbera oo ku taal meel ku toosan dalka Yemen ay siinayso saldhig aad ugu habboon in lagula socdo maleeshiyada Xuutiyiinta iyo dhaqdhaqaaqyada Iran ee Gacanka Cadmeed iyo koonfurta Badda Cas.

Maraakiibta Dolphin-ka ee uu Jarmalku dhisay ayaa door istaraatiijiyadeed oo muhiim ah ka ciyaaray iskahorimaadyada wajaha badan ee ka dhacay Israel, gaar ahaan iyaga oo ka hortagaya Iran iyo xulafadeeda.

Khilaafyada hadda jira, maraakiibta quusta ayaa gacan ka geysta sahminta, ilaalinta qarsoon ee xeebaha iyo weerarrada saxda ah ee gantaalada riddada dheer ama torpedos. Awooddooda qarsoodiga ah ee sare waxay u oggolaanaysaa inay ilaaliyaan goobaha gaasta ee xeebaha iyo inay la socdaan waddooyinka muhiimka ah ee badda Mediterranean iyo Gacanka Faaris.

Maraakiibta badda quusta ee uu Jarmalku sameeyay ee ay maamusho Israa’iil ayaa keeni kara noocyo kala duwan oo gantaallo ah. Waxa si gaar ah xusid mudan gantaallada ay Israa’iil samaysay ee Popeye Turbo cruise missiles, kuwaas oo laga soo ridi kara maraakiibta quusta (Submarine-Launched Cruise Missiles, SLCM). Baaxadooda waxaa lagu qiyaasaa ugu yaraan 1,500 kiiloomitir.

XIGASHO;Defence Network