Sunday, June 21, 2026
Home NEWS Cali Balcad oo beeniyay inuu u safray Isra’iil

Cali Balcad oo beeniyay inuu u safray Isra’iil

92

Jun 21(Jowhar)-Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar “Cali Balcad” ayaa si cad u beeniyay wararka lagu faafiyay baraha bulshada ee sheegaya inuu safar qarsoodi ah ku tegay dalka Isra’iil.

Cali Balcad Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa iska fogeeyay eedeymo la xiriira inuu safar qarsoodi ah ku tegey caasimada israil ee Telaviv,isagoo xusay in wararka la faafiyay ay yihiin kuwo been abuur ah oo loogu talagalay in lagu qaldo shacabka Soomaaliyeed.

“Warka ku saabsan inaan u safray Israel waa kuwo aan sal iyo raad lahayn, isla markaana ah warar marin habaabin ah oo aan ka tarjumayn xaqiiqda jirta.”ayuu yiri Cali Balcad oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ahna Wasiiru dowlaha arrimaha dibada dowlada federalka Soomaaliya.

Warka ku saabsan in Cali Balcad uu u safray Isra’il ayaa ku baahay baraha bulshada oo qabsaday baraha bulshada saacadihii la soo dhaafay waxaana wararka noocan oo kale ah lagu tilmaamaa kuwa sababa jahawareer isla markaana bixiya xog qaldan.