Jun 21(Jowhar)-Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku guuleeystay doorashadii guud ee dalka ka dhacday dhowaan iyadoo xisbigiisu uu haysto aqlabiyadda baarlamaanka.
Xisbiga Barwaaqo ee Abiy Ahmed ayaa heley 438 ka mid ah 501 kursi ee lagu tartamayay doorashadan,waxana lagu wadaa inay soo dhisi doonaan dowladda cusub iyadoo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy la dhaarin doono xilli bisha Oktoobar.
Doorashada laguma qaban Tigray, oo ka mid ah 12-ka gobol ee Itoobiya, sababtoo ah waxa guddiga doorashada ugu yeeray xaalad aan wanaagsanayn halkaas.
Abiy oo Ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel ayaa si weyn loo filayey inuu ku guuleysto doorashooyinka qaranka iyadoo musharrixiinta xisbigiisa Barwaaqo ay u ololeeyeen xaaladda dhaqaale ee dowladda iyo hagaajinta sugnaanta cunnada ee waddan ay soo mareen abaaro dhowr ah oo la soo dhaafay.
49 jirkan ayaa markii ugu horreysay xukunka qabtay iyadoo ay socdeen dibadbaxyo ka dhan ah dowladda sannadkii 2018, Hal sano ka dib wuxuu ku guuleystay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel, inta badan dadaalkiisii uu kusoo afjaray colaadda uu la galay dalka deriska la ah ee waqooyiga Itoobiya ee Eritrea.
Laakiin khubarada amniga ayaa ka cabsi qaba in dalku uu dib ugu laaban karo dagaal, halka kacdoonnada rabshadaha wata ee ka socda gobollada Amxaarada iyo Oromada ee Itoobiya aysan muujin wax calaamad ah oo ah inay dhammaanayaan.
In kasta oo heshiis nabadeed 2022 uu soo afjaray iskahorimaadka, xisbiga siyaasadeed ee Tigraygu wuxuu guuray bishii Maajo si uu dib ugu soo celiyo xukunka maamulka siyaasadeed ee gobolka taas oo jabinaysa heshiiska.










