Tuesday, June 23, 2026
Home NEWS Dowlada Soomaaliya oo sooo dhoweysay heshiiska Maraykanka iyo Iiran

Dowlada Soomaaliya oo sooo dhoweysay heshiiska Maraykanka iyo Iiran

27

Jun 23(Jowhar)-Dowlada Soomaaliya oo soo dhaweysay Heshiiskii Is-faham ee dhexmaray Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.
Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa lagu soo dhoweeyay heshiiska isfahamka ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iran.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhawaynaysaa Heshiiska Is-fahamka ee u dhexeeya Maraykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, taasoo ah tallaabo wanaagsan oo loo qaaday xagga dajinta xiisadda, wadahadalka, iyo xasilloonida gobolka. Soomaaliya waxay ku ammaanaysaa labada dhinacba doorashadooda dublamaasiyadda iyo ka qaybgalka si loo yareeyo xiisadaha iyo horumarinta nabadda.”ayaa lagu sheegay qoraalka.

Dowlada Soomaaliya ayaa waxa ay u mahadcelisay dalalka ka shaqeeyay sidii loo gaari lahaa heshiiska isfahamka labada dal.

“Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadinaysaa dadaalka wax ku oolka ah ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Dawladda Qatar, Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyo Jamhuuriyadda Turkiga ay ku taageerayaan horumarkan diblomaasiyadeed. Soomaaliya waxay sii aqoonsanaysaa doorka muhiimka ah iyo ka qayb qaadashada Madaxweyne Donald J. Trump ee horumarinta dadaallada nabadda.”

Dowlada Soomaaliya ayaa rajo ka muujisay in isfahamka loo hirgeliyo si niyad sami ah oo ay gacan uga geysato ilaalinta nolosha rayidka, ilaalinta xorriyadda socdaalka, iyo ka hortagga in ay sii xumaato.