Wednesday, June 24, 2026
Home NEWS Maraykanka oo dalkiisa ku tijaabiyay nidaamka difaaca Golden Dome

Maraykanka oo dalkiisa ku tijaabiyay nidaamka difaaca Golden Dome

53

Jun 24(Jowhar)-Maraykanku wuxuu markii ugu horreysay tijaabiyay nidaamka difaaca gantaallada ee Golden Dome for America, sida uu ku dhawaaqay Xoghayaha Dagaalka Pete Hegseth, isagoo sheegay in tijaabadu ay si weyn u guulaysatay.

Xoghayaha Dagaalka Hegesth ayaa bartiisa X waxa uu soo dhigey qoraal uu uga hadlayo guusha uu Maraykanku gaaray

“Maanta, tijaabadii ugu horreeyey ee Golden Dome for America (GDA) ayaa guul buuxda laga gaaray— aniguna waxaa sharaf ii ah inaan si toos goob-joog uga ahaa,”

Waxaa uu intaa ku daray: in gantaalkan uu si qummati ah oo iskiis ah u calaamadeeyey, u bartilmaameedsaday, una baabi’iyey khataro badan oo soo fool-lahaa”.

Inkastoo faahfaahinta aan weli la shaacin, Golden Dome waxaa la filayaa inuu ka koobnaado shabakad aad u ballaaran oo ka kooban dareemayaal , qalbi sameeya raad-raaca, iyo nidaamyo qabta oo baabi’iya khataraha , kuwaas oo loogu talagalay in ay burburiyaan khataraha ka hor inta aysan gaarin dhulka Maraykanka.

Nidaamkan ayaa la filayaa inuu difaaco oo uu daboolo dhulka Maraykanka oo dhan, oo ay ku jiraan Alaska iyo Hawaii.

Hegseth ayaa sheegay inuu si toos ah uga qaybgalay tijaabo “taariikhi ah” oo lagu sameeyay nidaamkaas kaas oo lagu qiyaasay inuu ku kici doono $1.2 tirilyan muddo 20 sano ah — wuxuuna sheegay in tijaabadu ay ahayd “ mid si buuxda loogu guulaystay.