Jun 24(Jowhar)-Kulanka bandhigga buugga Dastuurka ayaa waxaa ka soo qaybgalay ku simaha Guddoomiyaha Gollaha shacabka, Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka sare, Guddoomiyaha & Xubnaha Guddigga madaxa bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka, ku simahaXoghayaha Guddidga madaxabannaan,Xubnaha Guddigga la socodka Baarlamaanka, iyo xubno ka socda Wasaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo uu hogaaminayo Wasiiru-Dowlaha oo ay wehliyaan Xoghayaha iyo Agaasimaha Guud ee Arr.Dastuurka.
Ugu horrayn waxaa kulan ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka Avv. Burhaan Aadan Cumar oo faahfaahin iyo guudmar guud ka bixiyey dadaalkii loo maray dhamaystirka Dastuurka dalka iyo daabacaada nuqulka rasmiga ah ee Dastuurka.
Ku simaha Guddoomiyaha Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlaamka Sen Siciid Cabdi Xuseen Cowke iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arr. Dastuurka Am.Ilyaas ayaa si iskumid ah u muujiyey dareenkooda ku aadan in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay maanta heli karaan nuqul daabacan oo kamid ah Dastuurka Dalka.
Dhankeeda waxaa kulanka kalmad bogaadin iyo mahadcelin ah ka jeedisay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Xil. Sacdiya.
Ugu dambayntii kulanka waxaa abaal-marin lagu guddoonsiiyey shirkasa ILSOFTWARE taas oo lahayd naqshadaynta iyo samaynta mareeg/Application Dastuurka DFS kaas oo muwaadin walba uu adeegsan karo isaga oo isticmaalaya Mobile kiisa.










