Monday, July 6, 2026
Home NEWS Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray magaalada Baydhabo

Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray magaalada Baydhabo

24

July 06 (Jowhar)-Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa goordhow gaaray magaalada Baydhaba, halkaas oo uu ku soo dhaweeyey hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Baydhabo u tagay ka qaybgalka caleema-saarka hoggaamiyaha cusub ee KGS.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa sidoo kale haatan ku sugan kusimaha guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen.

Ammaanka guud ee magaalada Baydhaba, xarunta gobolka Baay, ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo lagu wado inay ka dhacdo munaasabadda caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Ciidamo dheeraad ah ayaa la geeyay gudaha magaalada iyo hareeraheeda si loo xaqiijiyo amniga. Sidoo kale, waxaa hawada magaalada ka socda dhaq-dhaqaaqyo amni oo ay wadaan diyaaradaha dagaalka.