Tuesday, July 7, 2026
Home NEWS Wadahadalada Dowlada iyo Mucaaradka oo maanta dib u bilaabanaya

Wadahadalada Dowlada iyo Mucaaradka oo maanta dib u bilaabanaya

79

July 07 (Jowhar)-Kulan u dhexeeya Dowlada Federalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ayaa lagu wadaa inuu maanta magaalada Muqdisho ka furmo.
Waxaa kulankan diirada lagu saarayaa qodobo ay ka mid yihiin doorashooyinka dalka, khilaafka dastuurka iyo jihada kala-guurka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Kulankan oo la sheegay in aan saxaafadda loo oggolaan doonin ayaa goobjoog ka noqon doonadowladda Turkiga, danjireyaal ka socda dalalka reer Galbeedka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

Wada-hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli khilaafka siyaasadeed uu gaaray heer sare, islamarkaana ay isa soo tarayaan baaqyada gudaha iyo dibadda ee ku aaddan in la helo is-afgarad siyaasadeed oo laga wada qaybgelayo.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda mucaaradka ay soo bandhigi doonaan qaab cusub oo doorasho oo dalka ka dhacay kaasoo ah doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacaya goobo kooban oo dalka ah.

Hase yeeshee dowlada federalka ayaa dooneysa in doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda goobo badan oo dalka ah ay dhacdo inta uusan dhamaan sanadkan.