Tuesday, July 7, 2026
Home NEWS Zelensky”Waxaan u baahanahay gantaalada balastikada si aan uga hortagno weerarka Ruushka”

Zelensky”Waxaan u baahanahay gantaalada balastikada si aan uga hortagno weerarka Ruushka”

13
Zelensky urges Russia to halt energy strikes
Volodymyr Zelensky has proposed a stay on attacking eneregy infrastructure (File image)

July 07 (Jowhar)-Ciidamada Cirka ee Yukrayn ayaa sheegay in aysan haysan gantaalada loogaga hortago gantaalada taasoo sababtay kadib markii mid ka mid ah gantaal lagu soo weeraraycaasimada dalkaasi uu ka baxsaday ciidamada cirka sababayna in 15 ruux ay ku dhintaan halkii uu ku dhacay.
Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay weerarkii labaad ee baaxadda weyn ee Ruushku ku qaaday caasimadda Yukrayn muddo toddobaad ah gudaheed, sida ay sheegeen saraakiishu. Sidoo kale Siddeed kale ayaa lagu dilay gobolka ballaaran ee Kyiv.
Ka dib weerarrada, wuxuu sheegay in militariga Yukrayn ay ku guuleysteen inay qabtaan gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn – laakiin aysan ahayn gantaalada ballistic-ga.

“Weerarkii baaxadda lahaa ee Ruushka ee Axaddii wuxuu ka koobnaa 68 gantaal iyo 351 diyaaradood oo duqayn ah,” ayuu ku sheegay qoraal uu ku qoray X. “Ciidamada cirka ayaa soo riday ama joojiyay 37 gantaal iyo 326 diyaaradood oo aan duuliye lahayn,”ayuu sii raaciyay.

Madaxweynaha Ukraine ayaa qorsheynaya inuu shirka Nato ee Turkiga uu ka codsado wadamada ku bahoobay gaashaanbuurtaasi inay siiyaan nidaamyada difaaca cirka ee ay si degdeg ah ugu baahan tahay si ay uga ilaaliso weerarrada sii kordhaya ee Ruushka.

Baaqa Volodymyr Zelensky ee caawinta ayaa si xoog leh u soo baxay ka dib markii gantaalada Ruushka ay laba jeer ku soo daateen caasimadda Yukrayn wax ka yar toddobaad, iyagoo ku dhacay dhismooyin dabaqyo ah oo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof oo rayid ah.

Shirka Ankara ayaa sidoo kale fursad u noqon doona Zelensky inuu kulan muhiim ah la yeesho Donald Trump oo uu caddeeyo kiiskiisa ah in weerarrada Ruushku ay yihiin kuwo muujinaya daciifnimo, ee aysan ahayn xoog, iyo in Vladimir Putin lagu cadaadiyo wadahadallo lagu doonayo nabad.

Weerarradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday Yukrayn ayaa yimid iyadoo ay sii xoojinayso weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee fog ee ka dhanka ah Ruushka, iyagoo ku dhacaya warshadaha saliidda iyo bartilmaameedyada militariga ee halkaas ku yaal isla markaana sababay koronto yari iyo shidaal ku dhacday qeybo ka mid ah dalka Ruushka.