Thursday, July 9, 2026
Home NEWS Soomaaliya oo safiir aan deggeneyn ku yeelatay dalka Brazil

Soomaaliya oo safiir aan deggeneyn ku yeelatay dalka Brazil

77

July 09 (Jowhar)-Safiirka Aan Deggenayn ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Brazil Mudane Dr. Cumar Dufle, ayaa maanta Madaxweynaha Brazil, Luiz Inácio Lula da Silva, U Gudbiyay waraaqihiisa aqoonsiga, taasoo si rasmi ah u ugu ogolaaneysa bilowga hawshiisa diblomaasiyadeed.

Dowladda JFS Soomaaliya waxay ka mid ahayd 14 dal oo safiirradoodu waraaqaha aqoonsiga u gudbiyey Madaxweynaha Brazil, munaasabada oo aheyd mid muujineysay sida ay Dowladda Brazil uga go’an tahay xoojinta wada hadalka, iskaashiga caalamiga ah, iyo iskaashiyo ku dhisan is ixtiraam iyo danaha dalalka oo la wadaago.

Soo bandhigidda waraaqaha aqoonsiga waxay muujinaysaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Brazil, iyadoo la furayo fursado cusub oo loogu talagalay wadahadallo siyaasadeed, iskaashi horumarineed, ganacsi, waxbarasho, beero, iyo iskaashi ballaaran oo Koonfur-Koonfureed ah.

Soomaaliya waxay ballaarinaysay dhaqdhaqaaqeeda diblomaasiyadeed sannadihii la soo dhaafay, iyadoo safiirrada aan deganayn loo magacaabay dalal badan si ay qayb uga noqdaan dadaallada lagu xoojinayo diblomaasiyada.

Bishii Febraayo 2026, Safiirka Soomaaliya ee Jarmalka iyo Poland waxaa loo aqoonsaday safiir aan deganayn oo u jooga Hungary, halka ergooyin kale loo aqoonsaday Tunisia, Belarus, iyo Mauritania bilihii la soo dhaafay.

Aqoonsiga Danjire Dufle ayaa la filayaa inuu fududeeyo iskaashi dhow oo dhexmara Soomaaliya iyo Brazil oo ku saabsan dhinacyada danaha labada dhinac.

Maadaama Soomaaliya ay sii waddo dib u dhiska dhaqaalaheeda iyo xoojinta iskaashigeeda caalamiga ah, la macaamilka dhaqaalaha wadamada waaweyn ee Latin Ameerika sida Brazil waxaa loo arkaa qayb muhiim ah oo ka mid ah istaraatiijiyadda siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka.