Saturday, July 11, 2026
Home NEWS Goobaha Ganacsiga magaalada Boosaaso oo xiran maanta

Goobaha Ganacsiga magaalada Boosaaso oo xiran maanta

90

July 11 (Jowhar)-Goobaha ganacsiga magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa saaka oo sabti ah xiran,kadib markii maanta ay gashay maalintii 11ad xirnaanshaha dekedda Boosaaso.
Ganacsatada ayaa ka biyo diiday khidmad cusub oo ay soo rogtay shirkadda maamusha dekedda magaalada Boosaaso ee DP World, taas oo keentay in maaanta albaabada la isugu laabo xarumaha ganacsiga.

Shacabka ku nool deegaannada Puntland ayay saameyn ku yeelatay xirnaanshaha dekedda Boosaaso, iyada oo maalmihii u dambayay ay kor u kacday maciishadda daruuriga ah.

Dowladda Puntland ayaa goordhow ka hadashay khidmadaha cusub ay soo rogtay shirkadda DP World ee sababay xirnaanshaha dekedda iyo goobaha ganacsiga Boosaaso.

Wasiir ku-xigeenka Maaliyada Puntland Axmed Yaasiin Saalax ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in khidmadaha cusub ee la soo rogay yihiin kuwa sharci ah, isaga oo ka codsatay ganacsatada in ay u hoggaansamaan bixintooda.

Dekedda Boosaaso ayaa xiran muddo 11 berri ah, kaddib markii ganacsatada wax kala soo dega ka biyo diideen khidmadaha cusub, taas oo sidoo kale sababtay in maaanta albaabada la isugu laabo xarumaha ganacsiga magaalada.