Sunday, July 12, 2026
Home NEWS Guddoomiyihii Golaha Guurtida Somaliland oo is casilay

Guddoomiyihii Golaha Guurtida Somaliland oo is casilay

204

July 12 (Jowhar)Guddoomiyahii Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa si rasmi ah isaga casilay jagadaas oo uu hayay muddo la badan 20 sano.

Golaha Guurtida Somaliland ayaa aqbalay is casilaada gudoomiye Saleebaan. Is casilaadiisa ayuu ku sheegay inay timid kadib dhinaca da’da iyo in uu jagadaas fadhiyay muddo dheer.

Cod gacantaaga ah ayaa Golaha Guurtida Somaliland ay ku ansixiyeen iscasilaadda guddoomiyahii hore, iyada oo laba mudane diideen laba kalana ka aamuseen.

Saleebaan, oo 92 jir ah, ayaa xilka guddoomiyaha Golaha Guurtida hayay tan iyo 2004, waxaana lagu tiriyaa siyaasiyiinta ugu muddada dheer ee xil ka soo qabtay Somaliland.

Golaha Guurtida Somaliland ayaa u dooray Muuse Xaaji Cabdi Du’caale inuu noqdo guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland.