Tuesday, July 14, 2026
Home NEWS Trump oo ka laabtay lacagtii 20% ee uu kusoo rogay marinka Hormuz

Trump oo ka laabtay lacagtii 20% ee uu kusoo rogay marinka Hormuz

82
US strike killed leader of Tren de Aragua gang - Trump
The Trump administration has repeatedly targeted Guerrero and other leaders of the Tren de Aragua organisation

July 14-(Jowhar)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu ka laabtay go’aankiisii ku saabsanaa canshuurta boqolkiiba 20ka ah ee uu ku soo rogay Marinka hormuz.
Donald Trump ayaa ku sheegay bartiisa Truth Social inuu go’aansaday inuu beddelo lacagta magdhowga ee 20% ee la xiriirta marin-biyoodka Hormuz, isagoo ku beddelaya heshiisyo ganacsi iyo maalgashi oo ay dalalka Khaliijku la geli doonaan Maraykanka.

“Waxaan go’aansaday inaan ku beddelo lacagta 20% ee Maraykanka heshiisyo ganacsi iyo maalgashi oo ay dalalka kala duwan ee Khaliijku ka samayn doonaan Maraykanka.”

Wuxuu intaas ku daray: “Maalgashatadu waxay noqon doonaan kuwo aad u ballaaran, isla markaana si aan caadi ahayn faa’iido ugu leh dalalkaas iyo mustaqbalkooda.”

Isagoo ka hadlayay ka dib wadahadallo uu Washington kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Ciraaq Ali al-Zaidi, Mr Trump ayaa yiri: “Ma jecli fikradda ah in la bixiyo khidmad, laakiin isla markaas, ma aha mid caddaalad ah inaan ilaalinayno Marinkaan adduunka oo dhan.”

Wuxuu sheegay inuu beddelay qorshihiisii ​​​​lacag bixinta ee ugu horreeyay ka dib markii uu helay wicitaanno badan oo ka yimid hoggaamiyeyaasha Khaliijka.

Warkan ka soo yeeray Trump ayaa imanaya xilli weerarro cusub oo dhexmaray Mareykanka iyo Iiraan, uu sababay kor u kac weyn oo ku yimid qiimaha saliidda iyadoo maraakiibta shidaalka ee mara marin biyoodka ay istaageen.

Mareykanka ayaa hore u sheegay inuu qaaday weerarro habeenkii saddexaad ah si uu u wiiqo awoodda Iiraan ee ah inay duqeyso maraakiibta aaggaas, warbaahinta dowladda Iiraan waxay ku warantay qaraxyo ka dhacay magaalooyin badan, oo ay ku jirto Bushehr – oo ah xarun warshad koronto oo nukliyeer ah.

Tehraan waxay sheegtay inay bartilmaameedsatay xarumaha militariga Mareykanka ee Baxrayn iyo Urdun ka dib markii ay hore u duqeeyeen laba markab oo kuwa shidaalka qaada ah oo Imaaraadka Carabta laga leeyahay.

Iiraan waxay ku eedeysay Mareykanka inuu faragelin ku hayo maamulkiisa Hormuz – laakiin xakamaynta waxay la macno tahay in Tehran ay sidoo kale halis gelin karto dhaqaalaha adduunka.

Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in Mareykanka uu hadda yahay ilaaliyaha marin biyoodka Hormuz, wuxuuna wacad ku maray inuu ku soo rogi doono 20% lacag dhammaan xamuulka lagu soo raro marin biyoodka si uu u bixiyo ilaalinta.
Trump oo sii xoojinaya khatarta, ayaa sheegay in Mareykanku uu sidoo kale dib u soo celin doono xayiraadda badda ee Iiraan, si uu u sii cadaadiyo dhaqaalaha dalka.

Waxa kale oo uu sheegay in Marinka “uu u furan yahay DHAMMAAN gaadiidka Maraakiibta marka laga reebo Iiraan” iyo in “saliiddu ay si aan hore loo arag u socoto, taas oo ay ugu wacan tahay Awoodda Cajiibka ah ee Ciidamada Mareykanka”.