Tuesday, July 14, 2026
Home NEWS Puntland oo ka joojisay hay’adaha gargaarka deegaanadeeda

Puntland oo ka joojisay hay’adaha gargaarka deegaanadeeda

94

July 14-(Jowhar)-Maamulka Puntland ayaa sheegay in hay’adaha gargaarka uu ka joojiyay deegaannadeeda, sababao la xiriira in ay ku milmeen siyaasadda Soomaaliya, ayna ka leexdeen mabaadi’dii hoggaamin jirtay kaalmada caalamka.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Puntland Cabdinaasir Xaaji Yuusuf ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah hay’adaha inaysan howlo loo baahan yahay aanay ka qaban deegaanada Puntland.
“Hay’adaha gargaarka ka shaqeeya, gaar ahaan kuwa Location-ka sameeya waxaa u sheegaynaa mashaariicda horumarineed ee aan ka arki wayno danaheena in aan ka joojinay deegaannadayada”.ayuu yiri Wasiir Cabdinaasir.

Puntland ayaa ku eedeysay dowlada Federalka in gargaarka la siiyo Soomaaliya la siiyo ay ka hesho wax u dhigma 1%, islamarkaana inta kale ay helaan gobollada Koonfurta Soomaaliya.

Puntland waxay ku eedeysay dowladda federaalka iyo hay’adda caalamiga ah in aysan baahi ku saleyn gargaarka loogu talagalay Soomaaliya, balse ku saleeyaan siyaasad.