Tuesday, July 21, 2026
Home NEWS Ruushka duqeyn culus ka geystey magaalada Kyiv

Ruushka duqeyn culus ka geystey magaalada Kyiv

161

July 19 (Jowhar)-Ruushka ayaa habeen kale oo xiriir ah qaaday weerarro dhanka cirka ah oo aad u xooggan oo lagu beegsaday magaalada Kyiv, isagoo adeegsaday tiradii ugu badnayd ee gantaallada riddada dheer (ballistic missiles) tan iyo markii uu dagaalku billowday, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine.

Weerarradan oo saacado badan socday, kuwaas oo dhacay waaberigii saaka, ayaa sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca ugu yaraan 16 qof oo kale, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ukraine. Weerarradan ayaa saameeyay lix degmo oo ka tirsan magaalada, sida ay sheegtay booliiska qaranka ee Ukraine.

Duqeynta ugu dambeysay waxay iftiimineysaa caqabadaha sii kordhaya ee Ukraine sanadkii shanaad ee dagaalka iyadoo ay la daalaa dhacayso weerarada Ruushka maalin kasta iyadoo ay yar yihiin gantaalada difaaca cirka ee Patriot, kuwaas oo ah fursadda ugu fiican ee ay ku soo ridi karto gantaalada ballistic-ga.

Xiisadaha gudaha ayaa sidoo kale sarreeya sababtoo ah Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy oo xilka ka qaaday wasiirkiisii difaaca iyadoo qayb ka ah isku shaandheynta golaha wasiirada, taas oo dhalisay dibadbaxyo waddooyinka ka dhacay iyo niyad jab ka dhex jira askar badan oo Ukraine ah.

Dadka qaar ee dhaleeceeya ayaa sheegay in go’aankiisa ah inuu beddelo Mykhailo Fedorov oo keliya markii Ukraine ay u muuqatay inay ku soo badanayso dagaalka uu ahaa qaladkii ugu xumaa ee madaxweynenimadiisa.

Sida ay sheegtay Hay’adda Qaranka ee Adeegga Gurmadka Degdegga ah, weerarradii Ruushka ee Axaddii ayaa dab ka dhaliyay meelo kala duwan oo Kyiv ka tirsan, iyagoo waxyeello u geystay dhismayaal la deggan yahay, xafiisyo, goobo warshadeed, dhisme hoy arday iyo gaadiid.

Weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ayaa sidoo kale bartilmaameedsaday Dnipropetrovsk, oo ah gobol dhexe oo xuduud la leh safka hore, iyadoo hal qof uu ku dhintay, sida uu sheegay sarkaalka gobolka Oleksandr Ganzha.

Gobolka Zaporizhia, diyaarad aan duuliye lahayn oo Ruush ah ayaa ku dhacday tareen rakaab ah, taasoo dishay darawalkeedii, sida ay sheegtay shirkadda tareenka qaranka ee Ukraine. Waxay wadaagtay sawirro baabuur tareen oo gubanaya.

Ruushku wuxuu dhowr jeer oo weeraro ah ku qaaday Kyiv bishii Luulyo, isagoo adeegsanaya gantaalada ballistic ugu yaraan toddobo jeer xilli Ukraine ay ka maqan tahay gantaalada Patriot.

Axadii, ciidamada cirka ee Ukraine ayaa sheegay inay soo rideen 18 ka mid ah 41 gantaal oo Ruushku uu xalay riday.

Ukrain waxay sidoo kale sheegtay in ciidamadeedu ay duqeeyeen laba markab oo saliid ah oo Ruushku leeyahay oo ku sugan Badda Madow, iyagoo sii wada istaraatiijiyaddooda ah inay gaajo u geystaan jasiiradda Crimea ee Ruushku haysto iyagoo bartilmaameedsanaya maraakiibta.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu Ukraine siiyo shatiyada ay ku soo saaraan gantaalada Patriot gudaha, taasoo laga yaabo inay xoojiso difaaceeda, laakiin faahfaahinta iyo waqtiga tallaabada weli ma cadda.