Tuesday, July 21, 2026
Home NEWS Goobaha Codbixinta doorashada Galmudug oo la shaaciyay

Goobaha Codbixinta doorashada Galmudug oo la shaaciyay

310

July 20 (Jowhar)-Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soodimaha, ayaa shaaciyay goobaha codbixinta doorashada isku sidkan ee dowlad goboleedka Galmudug.
Qoraal uu soo saaray guddiga ayuu ku sheegay inay ka go’an tahay qabashada hirgelinta doorasho hufan oo xor ah.
“Guddiga doorashaooyinka qaranka iyo soodimaha isaga oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo, si waafaqsan qodobka 8aad ee Sharciga Doorashooyinka iyo qodobka 10aad faqradiisa 7aad ee Sharciga Dhisidda Guddiga, waxa uu shaacinayaa goobaha Codbixinta doorashada isku-sidkan ee Dawlad-Goboleedka Galmudug.”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay guddiga.

Inta badan degmooyinka dowlad goboleedka Galmudug ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka socday olole doorasho iyadoo xisbiyada ay si aad ugu ololeynayaan inay helaan codadka dadweynaha.

Halkan hoose ka aqriso goobaha loo asteeyay in lagu qabto doorashada Galmudug.