Tuesday, July 21, 2026
Home NEWS Maamulka Puntland oo ka hadlay dagaal ka dhacay Laag

Maamulka Puntland oo ka hadlay dagaal ka dhacay Laag

235

July 21 (Jowhar)-Maamulka Puntland ayaa ka hadlay iskahorimaad hubeysan oo ka dhacay deegaanka Laag ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Puntland ay hawlgal amni ka fuliyeen halkaas ayna soo afjareen koox hubeysan oo falal amni ka waday deegaankaas.
War Saxaafadeed ka soo baxay maamulka Puntland ayaa lagu yiri; “Ciidanka Ammaanka Puntland ayaa maanta hawlgal amni oo qorshaysnaa ka fuliyay deegaanka Laag, kaas oo lagu soo afjaray koox hubaysan oo muddooyinkii u dambeeyay ku hawlanayd falal amni-darro iyo qalqal-gelin ka waday deegaannada Puntland.”

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen gaadiid ciidan iyo hub kala duwan ayagoo sidoo kale ku qabtay halkaas tiro maxaabiis ah.

“Intii uu socday hawlgalku, Ciidanka Ammaanka Puntland waxay gacanta ku dhigeen gaadiid ciidan, hub noocyo kala duwan leh iyo tiro maxaabiis ah. Sidoo kale, waxaa weli socda hawlgallo lagu baadi-goobayo xubnihii firxaday, iyadoo ciidamada ammaanku ay ku hawlan yihiin xaqiijinta amniga iyo xasilloonida dalka.”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Hase yeeshee ma jiro wax war ah oo ka soo baxay cidiamada PSFta loo yaqaan ee taabacsan dowlada federalka.
gelinkii dambe ee shalay ayaa waxaa iskahorimaad uu dhex maray ciidamada PSFta iyo ciidamo taabacsan maamulka Puntland.

Ciidamada PSFta ayaa la sheegay inay ka soo ambabaxeen Boosaaso aynu ku sii jeedeen magaalada Gaalkacyo balse waxaa wadada u galay ciidamada Maamulka Puntland xilli ay marayeen deegaanka Laag oo u jirta 30km magaalada Boosaaso.