Friday, July 24, 2026
Home NEWS Musharrax Mudane Liibaan Axmed Xasan socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug...

Musharrax Mudane Liibaan Axmed Xasan socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

68

July 24 (Jowhar)-Wafdi uu Hoggaaninayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka JSP Mudane Liibaan Axmed Xasan ayaa socdaal ku maraya deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Iyaga oo dadka shacabka ah weydiisanaya inay codkooda siiyaan, kana qeybtaan doorashada qof iyo codka ah ee ka dhaceeyso mamulka Galmudug ee Soomaaliya dhawaan.

Wafdiga waxaa kamid ah Wasiiro ka tirsan XFS, Xildhibaano, Madaxda Urur Siyaasadeedka JSP iyo Masuuliyiin ka tirsan Galmudug, Liiban Axmed Xasan Musharrax Hoogaamiyaha Galmudug.

Ayaa isaga oo lahadlay shacabka Deegaanka Qaydaro ee Gobolka Mudug waxaa uu sheegay in Khaawijta laga xoreyn doono deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan ee Galmudug.