July 26(Jowhar)- War-saxaafadeed xalay ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in aysan jirin ciidan la yiraahdo PSF oo si sharci ah uga tirsan ciidamada difaaca Maamulka Puntland.
War Saxaafadeedka ayaa lagu cadeeyay inaysan jirin ciidanka PSF oo dhawaan ay kula dagaalameen ciidamada Maamulka Puntland deegaan ka tirsan gobolka Bari.
“Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa inaysan jirin ciidan la yiraahdo PSF oo si sharci ah uga tirsan ciidamada difaaca Puntland” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Puntland ay si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqyo ay ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ku tilmaantay isku dayo lagu hurinayo colaado laguna wiiqayo hay’adaha amniga iyo maamulka Puntland.
Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Siciid Deni iyo ciidamada PSF ayaa marar kala duwan dagaal dhexmaray, waxaana kii ugu dambeeyay uu todobaadkii hore ka dhacay deegaanka Laag ee degmada Boosaaso.






