Sunday, July 26, 2026
Home NEWS Faahfaahin ka soo baxaysa weerar gaari loo adeegsaday oo ka dhacay Jarmalka

Faahfaahin ka soo baxaysa weerar gaari loo adeegsaday oo ka dhacay Jarmalka

39

July 26(Jowhar)- Hal qof ayaa dhintay, in ka badan toban  kalena way dhaawacmeen ka dib markii gaari uu jiiray dadweyne ku sugnaa isu-soo-bax ka dhacayay magaalada Berlin, sida ay sheegeen booliiska Jarmalka.

Dhacdadan, oo dhacday abaaro 10-kii habeenimo ee waqtiga maxalliga ah ayaa keentay in booliisku ay joojiyaan xafladdii ka socotay caasimadda Jarmalka saacado yar uun ka dib markii ay bilaabatay.

booliisku waxay sheegeen in ugu yaraan 16 qof ay dhaawacmeen qaar ka mid ah dhibanayaashuna ay qabeen dhaawacyo halis gelinaya nolosha.

Booliiska ayaa sheegay in gaarigu uu ahaa baabuur yar oo nooca minivan ama SUV-ga yar ah, waxaana laga helay isagoo laga tagay gudaha Tiergarten, halkaas oo uu u muuqday inuu geed ku dhacay, sida afhayeen u sheegay wakaaladda AFP.

Booliiska ayaa wada baadigoob xooggan oo ka socda guud ahaan Berlin, waxayna markhaatiyaasha ka codsadeen inay soo gudbiyaan sawirro ama muuqaallo ay ka hayaan dhacdada.

Aagga baaritaanka wuxuu ku fidsan yahay magaalada Berlin oo dhan, iyadoo kumannaan askari la geeyay, lana adeegsanayo diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kaamirooyinka

Booliisku waxay sheegeen inay aqoonsadeen tuhmane lab ah oo hore ay u yaqaaneen, isla markaana ay ku tilmaameen inuu xiriir la leeyahay fikirka xagjirka ah, hase yeeshee weli lama soo qaban.

Duqa magaalada Berlin, Kai Wegner, ayaa dhacdadan ku tilmaamay “weerar lagu qaaday bulshadeenna xorta ah ee furfuran.”
Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka, Friedrich Merz, ayaa ku tilmaamay “fal argagax leh”, isagoo ballan qaaday in si buuxda loo baari doono dhacdada, lana ciqaabi doono cidda ka dambeysa.

Booliiska Berlin ayaa shaaciyay in tuhmanaha lagu magacaabo Abdul B., oo ah nin 21 jir ah oo caato ah lehna timo madow. Waxay sheegeen inuu xirnaa funaanad madow oo koofiyad leh iyo surwaal cad.

Sida lagu sheegay bayaanka booliiska, waxaa lagu tuhunsan yahay inuu dhaawacay dhowr qof oo ku sugnaa deegaanka Tiergarten, isla markaana uu weli baxsad yahay.