Sunday, July 26, 2026
Home NEWS Baarlamaanka Waqooyi Bari oo xasaanada kala noqday 5 xildhibaan

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo xasaanada kala noqday 5 xildhibaan

89

July 26(Jowhar)-Golaha Wakiillada maamulka Waqooyi Bari ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyey in maamuuska xildhibaannimo laga xayuubiyo shan mudane, oo ka noqday arragtida maamulka, isla markaana is casilay sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Golaha.

Go’aanka xil ka qaadista ayaa waxaa taageeray 57 xildhibaan, taas oo ka dhigtay mid si rasmi ah u meel martay, sida lagu shaaciyey kulanka Golaha.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Waqooyi Bari, Cabdillaahi Xirsi Cilmi, ayaa Golaha ka codsaday in xasaanadda laga qaado shanta xubnood ee kala ah:

Siciid Maxamed
Cabdisalaan Cabdillaahi Maxamed
Sidiiq Jaamac Muuse
Axmed Cali Maxamed
Axmed Caabi Shire

Golaha ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey codsigaas, waxaana xubnahaasi laga qaaday xilalkii ay ka hayeen Golaha Wakiillada.
Go’aankan ayaa daba socda tallaabo hore oo uu Goluhu ka qaaday xildhibaan Fahiima Yuusuf Cabdillaahi (Fahiima Quuje), oo hore xasaanadda looga qaaday, kaddib markii ay ku dhawaaqday inay ka baxday maamulka Waqooyi Bari isla markaana ay taageertay Somaliland.