July 27(Jowhar)-Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baabi’iyay beero ay ku abuurnaayeen maandooriyaha xashiishka kuwaasoo ku yaalay dhul beereed ku yaal meel u dhexeeya magaalada Marka iyo deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka waxaa si wadajir ah u fuliyay Ururrada 141-aad, 144-aad iyo 145-aad ee Guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo ay ka qeyb qaateen cutubyo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ee ka howlgala aagga magaalada Marka.
Taliyaha Guutada 14-ka Oktoobar, Gaashaanle Cismaan Muuse Maxamed, ayaa sheegay in howlgalka uu daba socday amar hore oo mamnuucayay beerista xashiishka ee aagga Marka, isagoo xusay in ciidamada ay fuliyeen waajibaadkooda si loo adkeeyo fulinta amarkaasi.
Mas’uuliyiintu waxay sidoo kale sheegeen in muddooyinkii u dambeeyay ay soo noqnoqdeen muranno u dhexeeyay beeraley ku loollamayay dhul beereed u dhexeeya Janaale iyo Marka Caddey, kuwaas oo sababay xiisado amni.
Ciidanka ayaa sheegay inay hore ugu guuleysteen kala dhexgalka dhinacyada is haya si looga hortago isku dhac hubeysan oo ay kooxda Al-Shabaab ka faa’iideysan karto, iyagoo xusay in howlgalka cusub uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.





