July 28(Jowhar)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa kula kulmay magaalada Addis Ababa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta ee Jamhuuriyadda Kenya, Musalia Mudavadi.
Labada wasiir ayaa ka wada hadlay horumarradii ugu dambeeyay ee la xiriira arrimaha socdaalka, iyagoo ku heshiiyay in la xoojiyo iskaashiga iyo isku-duwidda arrimaha qunsuliyadaha iyo fududeynta isu socodka shacabka labada dal.
Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya Cabdisalaan Dhaay ayaa ka qeybgalaya Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika.
Dowlada Kenya ayaa dhawaan dib uga celisay dalkeeda madax ka tirsan dowlada federalka Soomaaliya.





